Madaxweyne Deni oo Magacaabay Agaasime Waaxeedyo Cusub

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 24 ee 19ka August 2021, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo.

Madaxweynaha Maamulka  Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidoodaiyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dardar gelinta shaqooyinka Dowladda.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland

1.1. Waxaa Faysal Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland.

1.2. Waxaa Cabdulqaadir Cali Suleymaan   loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga   ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland.

1.3. Waxaa Cabdixakiin Cabdile Guuleed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta   ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland.

1.4. Waxaa Jaamac Maxamed Yuusuf  loo magacaabay Agaasimaha Waaxda DDR-ta    ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland

1.5. Waxaa Maxamed Muuse Jaamac   loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Miinada  ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland

2. Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.1. Waxaa Cabdullaahi Ciise Cumar (Rabiile)  loo magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda  ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.2. Waxaa Sharmaarke Cabdullaahi Ducaale  loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.3. Waxaa Aadan Caabi Samatar loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha  ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.4. Waxaa Saadiq Cabdullaahi Axmed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Fidinta Adeegyada Caafimaadk Xoolaha  ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.5. Waxaa Maxamed Fu’aad Warsame loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo Tababarada  ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.6. Waxaa Cabdiraxmaan Maxamed Muuse  loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Wax soo saarka Xoolaha   ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

3. Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo GuriyayntaDowladda Puntland.

3.1. Waxaa Cabdirisaaq Jaamac Nuur loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta Dowladda Puntland.

4. Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha

4.1. Waxaa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland.

* Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor