Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayay ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug halkaas oo si heer sare ah loogusoo dhaweeyay.

Siciid Cabddullaahi Deni Madaxweynaha Puntland waxaa garoonka uga hor tegay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyada oo loo gudbiyay xarunta xarunta madaxtooyada Galmudug.

Wefdi hordhac u ah madaxweynaha madaxweynaha Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray magaalada Dhuusamareeb oo ay ku jiraan ilaaladiisa gaarka ah oo xalay gaaray halkaas si ay amnigiisa u xaqiijiyaan.