Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Saraakiisha ammaanka Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan dhiirrigelin ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland kula qaatay deegaanka dalxiiska ee Ceel-haare oo ka tirsan degmada Qardho.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa isaga kala yimi Gobollada Puntland Waxaana ay maanta ka qeybgaleen munaasaddii tababarka loogu soo xiray dufcadii 4-aad ee Ciidamada Booliska ee la tababaray, kuwaasi oo laga keenay dhammaan Gobollada Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyay Saraakiisha shaqada wanaagsan ee ay hayaan, wuxuuna faray in lasii laba jibaaro dadaalkooda iyo ka shaqeynta Amniga oo uu ugu horeeyo la dagaalanka maandooriyaha .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidamada Booliska, Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland oo gobollada isaga yimi iyo maamulka Gobolka Karkaar iyo kan Degmada Qardho.