Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Guddiga duufaantii GATI ee Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Dowladdu u xilsaartay duufaantii GATI.

Gudiga ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey saamaynta khasaare ee ka dhalatay duufaantaasi oo ku dhufatay gobolada Gardafuu, Bari iyo Karkaar, waxay xaqiijiyeen in shacab ku nafwaayeen, xoolo tiro badan ay ku le’deen.

Sidoo kale Guddiga loo xilsaartay duufaantii GATI ee ku dhufatay deegaano ka tirsan Puntland ayaa sheegay in iskaashatada kalluumaysatada ay ku waayeen dad iyo qalabba, guryo iyo duunyo kalena ay waxyeelaysay duufaanta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey safarkii Guddigu ku tageen Goboladaasi iyo shaqada guddiga ee hordhaca ah, wuxuuna faray Hay’addaha Maamulka in guddiga lagala shaqeeyo gurmadka iyo sidii dadka waxyeeladu gaartay wax loo gaarsiin lahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media