Madaxweyne Deni oo ka qeyb galay kulan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka qeybgalay kulan casho sharaf ah oo ay Gaalkacyo ugu sameysay Madaxweynaha iyo Wafdigiisa Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Aamina Cismaan Xaaji.

Kulanka Cashada ah waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xubno isugu jira Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka, kan degmada, Saraakiil Madaxtooyo iyo Haweenka Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Dni ayaa maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo isaga oo kulamo kala duwan kula qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulkaas shalay oo ugu dambeysana waxa uu ku shir guddoomiyay Shirka golaha wasiirada Puntland.

U jeedasa safarka uu ku joogay magaalada Gaalkacyo ayaa salka ku heysay kulankii dhexmaray isaga iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyada oo markii dambana ay heshiisyo gaaareen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media