Madaxweyne Deni oo Guddoomiyay shir looga hadlay amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa Shir-Guddoomiyey kulan uu caawa la qaatay xubnaha Golaha Wasiirada ee ku sugan Boosaaso.

Kulanka ayaa looga hadlay Amniga Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland iyo dardargelinta howlgalada amni ee ka socda Gobolka oo meel wanaagsan maraya.

Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ayaa ku jira heegan buuxa, Iyadoo loo guntaday sidii argagixisada looga sifeyn lahaa guud ahaan Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor