Madaxweyne Deni oo Dallacsiisay Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu abaalmarinayo Ciidamadii iyo Masuuliyiintii kale ee ka qayb qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka qabsoomtay Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Amniga, wuxuu dalacsiiyey  Ciidamadii ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug isagoo sidoo kalena Abaalmarino guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo.

Gobolka Mudug ayaa waxaa ku yimid isbedel weyn oo dhinaca Amniga iyo Horumarka ah tan iyo markii Puntland ay ka fulisay howlgalo amniga lagu sugayo.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga Gobolka Mudug in halkaasi laga sii wado howlgalada lagu sugayo amniga Gobolka, wuxuuna muujiyay in isbedelka Gobolka ka dhacay uu yahay mid siweyn u muuqda laakiin loo baahanyahay in Dowladd iyo Shacaba halkaasi laga sii wado halganka oo wadajir loola diriro argagixisada.

Waxaa uu soo saaray Siciid Cabdullaahi Deni Xeer Madaxweyne Lr.25 ee september 9, 2021, kuna saabsan Daslacsiin saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland kuwaasi oo ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Hoos ka akhriso Dallacsiinta uu sameeyay Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Agoontooda kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxa min hal darajo la dalacsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil xigeenada hoos ku qoran oo dhmaantood ka wada tirsan Qaybaha Ciidanka Dowladda Puntland ee gobolka Mudug.

Ciidamada Booliska Puntland

  1. Waxa L/X/le Cabdiqani Yasiin Maxamud loo dalacsiiyey Dhame
  2. Waxaa X/le Cabdimahad Cabdi Jamac Loo dalacsiiyey L/X/Le
  3. Waxaa X/le Carab Cabdirasaq Axmad Loo dalacsiiyey L/X/Le
  4. Waxaa X/le Maxamed Cabdi Farax Loo dalacsiiyey L/X/Le
  5. Waxaa K/S Samatar C/lahi Aadan Loo dalacsiiyey X/Le
  6. Waxaa K/S Ayaanle Axmad Aadan Loo dalacsiiyey X/Le
  7. Waxaa K/S Maxamed Daahir Xuseen Loo dakacsiiyey X/Le

*Ciidamada Daraawiishta Puntland.

  1. Waxaa G/dhexe Maxamud Maxamed Maxmud loo dalacsiiyey G/Sare
  2. Waxaa G/Le Maxamed Mursal Maxamud loo dalacsiiyey G/Dhexe
  3. Waxaa G/le Maxamed C.lahi Xirsi loo dalacsiiyey G/Dhexe
  4. Waxaa G/le Cabdiqafar Xasan Cuuke loo dalacsiiyey G/Dhexe
  5. Waxaa G/le Maxamed Axmed Muuse loo dalacsiiyey G/Dhexe
  6. Waxaa Dhame Salaad Caato Ciiraale loo dalacsiiyey G/le
  7. Waxaa L/x/le Khadar Jamac Caabi loo dalacsiiyey dhame
  8. Waxaa L/X/le Raage Xasan Farax loo dalacsiiyey Dhame
  9. Waxaa K/S Daahir Xasan Cali loo dalacsiiyey X/Le

*Ciidanka Nabad sugida Puntland

  1. Waxaa Dhame Maxamed Khaliif Jaamac loo dalacsiiyey G/le

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor