Madaxweyne Deni oo Baaq Deg-deg ah u diray DFS iyo Beesha Caalamka

Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa Maanta waxaa gaaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, halkaas oo xalay ay ku rogmadeen daadad xoogan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay.

Madaxweyne Deni ayaa ayaa Bulshada Qardho la qeybsaday xaaladda Bani’aadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda kusoo rogmaday.

Sidoo kale Saciid Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay sameeysay Guddi heer Wasiir ah oo Ganacsataduna qeyb ka yihiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmadka Qardho.

Dhinaca kale Madaxweye Deni ayaa baaq u diray Dadweynaha Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xaaladda bani’aadantinimo ka jirta maanta Qardho.

Qardho ayaa waxaa ka jirto bani’aadantinimo, waxaana daadad halkaas ku rogmaday ku dhintay in ka badan 6 ruux, waxaana weli la’la yahay dad kale oo shacab ah, kuwaasi oo ay qaadeen daadadkii xooganaa, isla markaana waxaa ku dumay guryo badan.