Madaxweyne Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Garacad

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wefti balaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaaladda Garacad ee gobolka Mudug.

Madaxweynuhu waxa uu kormeeray dhismaha Dekedda Garacad oo meel gebogebo ah maraysa, isagoona mid mid u dul istaagay qaybaha kala duwan ee dhismuhu ka socdo. Bogaadin, dardaaran iyo dhiirigelin ayuu u jeediyey Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay shirkadaha gacanta ku haya Dekedda ee kala ah TTN iyo Wadaagsin, warbixino ayuu ka dhegaystay Ingineerada iyo masuuliyiinta shirkadaha dhisaya Dekada, waxaa qayb ka ahaa kulanka weftiga Madaxweynaha, waxgaradka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Garacad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor