Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Dalab u diray Beesha Caalamka

Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan gacan ka geysan dhismaha Maamulkaas iyo Doorashooyinkii dhacay.

Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday Jowhar ayaa waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka la wada ogyahay in gacan ka geysatay dhismaha dowlad Goboleedyada dalka, hayeeshee dhismaha Hirshabeelle aysan gacan ka geystan.

Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Hirshabeelle ayuu sheegay isku tashadeen, kadibna ay dhisteen maamul loo dhan yahay, wxuuuna xusay in tallaabadaas ay tahay mid wanaagsan, isagoona u mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cali Guudlaawe ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay ka qeyb qaatan horumarinta deegaanada Hirshabeelle, wuxuuna Carabka ku dhuftay in Beesha Caalamka ay soo dhaweynayan, isla markaana aysan ku xiri doonin wax shuruud ah.

Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada Maamulka ee ka qeyb qaatay dhismaha Hirshabeelle loo dhan yahay.

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isagoona hoggaamin doona Maamulkaas afarta sanno ee soo socota, waxaana dhammaan Doorashiisa boggaadiyay Madax kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media