Madaxweyne Biden iyo RW Israel oo ka wada arrinsan doona Xaalladda Bariga Dhexe iyo Iran

Labada Hoggaamiye ayaa la filayaa inay bishan 26-da Kulan Khaas ah ku yeeshaan magaalladda Washinton, sida ay shaacisay Afhayeenada Aqalka Cad, Jen Psaki.

RW Israel, Nafali Bennett waxa uu booqan doonaa Washington, si uu Madaxweyne Joe Biden kala xaajoodo xiriirka labada dal, Xaalladaha Bariga Dhexe iyo Ammaanka Guud ee Caalamka.

Afhayeenada Aqalka Cad ee Maraykanka waxay kaloo sheegtay inay Booqashada RW fursad u tahay inay Labada Hoggaamiye ka wada xaajoodan dadaalkooda horumarinta Nabadda, Amaanka iyo waxa ay ugu yeertay Barwaaqaynta Israel iyo Falastiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor