Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmihii ka dambe ku sugnaa Muqdisho ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor oo hoggaaminayay wafdi ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay ku-xigeenkiisa Cali Daahir, Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale..

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Muqdisho uga qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan lasoo gaba-gabeeyay, kaasi oo heshiis looga gaaray khilaafka doorashada dalka, laguna muddeeyay doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale Axmed Qoorqoor ayaa inta uu joogay Caasimadda waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, isagoo kala hadlay doorashooyinka iyo xaaladdaha wax ka qabashada u baahan ee Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor