Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo kusoo laabtay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalin kahor gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa gelinkii damne ee Maanta dib ugu laabtay Muqdisho.

Qoorqoor ayaa Dhuusamareeb u aaday Arrin Dastuuri ah, kadib markii uu muddo 45 Cesho uu ka maqnaa deegaanada Galmudug, waxaana Dastuurka u yaalla Maamulkaas uu dhigayaa in Madaxeynaha uusan degaanka ka maqnaan karin 45 cesho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kulamo kala duwan lasoo qaatay Madaxweyne ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaano iyo Wasiiro, isagoo galabta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa Maanta oo talaado ah lagu waday inuu dib ugu furmo Shirkii uga socda Teendhada Afisyooni, balse dib u dhac ayaa ku yimid, sababo la xiriira safarka Qoorqoor ee Dhuusamareeb.

Madaxda ayaa Shirkooda oo looga hadlayay Ajendayaasha shirka Wadatashiga doorashada dib u bilaabi doona maalinta berri, waxaana Madaxda ay sii wadi doonaan dood adeg oo ay ka yeelanayeen khilaafka taagan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor