Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo Booqday Xeryo ay ku sugan yihiin Ciidamo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa gelinkii dambe ee galabta booqasho iyo kormeer ku tagay xeryaha ay ku suganyihiin Ciidamada Qalabka Sida ee degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan saraakiisha ciidanka ayaa qeybaha kala duwan ee ciidamada ee ku sugnaa xeryaha oo uu booqashada ku tegay u jeediyay khudbado iskugu jiray dhiiragalin iyo bogaadin.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qalabka Sida wanaagsan ay uguteen waajibaadkooda iyo markastana ugu taaganyihiin difaaca ummadda Soomaaliyeed.

Kormeerka uu ku tegay Qoorqoor xeryaha ay ku suganyihiin Ciidamada Dowladda ayaa waxaa uu ku soo aaday, iyada oo dagaal maalmo socday Ciidanka dowladda, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna uu ku dhexmaray Magaalada Guriceel.

Dagaalada ayaa dhaliyey khasaaro lixaad leh oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana inta ay socdeen dagaalada lagu dilay Saraakiil Ciidan, Askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa Magaaladaas oo markii dambe isaga baxeen Ciidankii Ahlusunna Waljamaaca ee joogay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor