Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Jubaland.

Xubnahan oo loo gudbiyay Guddiga doorashooyinka Jubbaland (SIET) ayaa ah afar kursi oo lagu tartami doono, waxaana dib ugu soo laabtay Tartanka Senator Fartaag, Ilyaas Gaboose, iyo Senator Iftin Xasan Baasto.

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Jubbaland ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uga mahadceliyay soo gudbinta Liiska Musharaxiinta u tartameysa Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, kuwaasi oo ah 9 Musharax.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xili dib u dhac uu ku yimid doorashadaas oo aheyd in la qabto 25-kii bishaan July.

Hoos ka Akhriso Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Axmed Madoobe.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor