Madaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta la kulmay Cabdi Xaashi

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta kale.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Maanta hoyga uu ka degan Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaankii 10-aad ee Federaalka Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Kulanka Madaxweynaha iyo Cabdi Xaashi ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo doorashooyinka oo ay ka muuqato cago-jiid farabadan iyo is qab-qabsi ka dhashay kuraasta doorashada qaar.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Madaxweynaha Jubbaland u sheegay inay muhiim tahay dardar-gelinta doorashada, isla markaana ku dhacda si nabad ah oo heshiis lagu wada yahay, si looga baxo marxalada kala guurka ah ee xiligaan lagu jiro.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shalay kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, waxaana inta uu ku sugan yahay Muqdisho uu kulamo kale la qaadan doonaa Wakiilada Beesha Caalamka iyo Mas’uuliyiin kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor