Madaxweyne Axmed Madoobe oo laba Arrin uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Qoraal uu soo saaray Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga hadlay gebagebada howshii doorashada dalka ee guusha ku soo dhammaatay ee Madaxweynaha cusub ee dowladda loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay si uu uga miro dhaliyo doorashadii dalka oo ku soo dhammaaatay si nabad ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in doorashadii Madaxweynaha 10-aad ee dowladda loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud ay aheyd mid kusoo idlaatay si nabad ah, isla markaana Rooble uga mahadceliyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kamid ah Madaxda Magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee laba maalin kahor ka qabsoontay Caasimadda dalka ee Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor