Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Senataro cusub iyo Mas’uuliyiin kale

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka tirsan Senatarada cusub ee Maamulka Jubbaland ku metelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa marka hore Axmed Madoobe uu Senatarada Aqalka Sare ugu hambalyeeyay guushii ay ka gaareen doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Senatada iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland uga warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaana arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.

Kulanka uu Axmed Madoobe la qaatay Senatarada Jubbaland ku metelaya Aqalka Sare ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, Guddoomiye ku-xigeenka Maamulkaas iyo Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Jubbaland.

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, iyagoona la filayo inay dib ugu laabtaan Magaalada Kismaayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor