Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed.

Kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Sheekh Shariif ayaa waxaa ay uga hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaasadda dalka iyo doorashooyinka muddo dhaafka noqday ee maalmo kahor heshiiska laga gaaray.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe u sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ka gaareen doorashada dalka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa weli ku sugan Magaalada Muqdisho oo uu uga qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga, isagoona kulamo kala duwan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka.