Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlay safarka uu ku yimid Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii Maanta oo tallaado ah u uku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore waxaa uu u mahaedceliyay Xildhibaano, Wasiiro, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee kusoo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Jubbaland inuu aad uga faraxsan yahay imaanshaha Caasimadda, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay ujeedka safarkiisa oo la xiriira ka qeyb galka shirka looga hadlayo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka.

“Waxaan  u nimid  in la abshireysto kheyr noqoto wadankana horay u socdo war waa dambeeyaa” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka mahadcelinayay soo dhaweyn ballaaran oo Maanta loo sameeyay.

Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in todobaadakn uu dhacaya Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saddex jeer baaqday, waxaana maamulada Jubbaland iyo Puntland ay shuruudo adeg ku xireen ka qeyb galka shirkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor