Madaxweyne Axmed Madoobe oo Hay’adda UNHCR kala hadlay Arrimo muhiim

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula la qaatay Wakiilka Hay’ada UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse.

Madaxweynaha iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xaalada dadka qoxootiga ah ee dib ugu soo laabanaya deeganada Jubbaland iyo sidii loo garab istaagi lahaa isla markana loogu diyaarin lahaa waxyaabaha aas aasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Wakiilka Hay’ada UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse ayaa Madaxweynaha u sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen dadka qoxootiga ah ee dib ugu soo laabanaya Jubbaland, loona caawin lahaa.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Hay’ada UNHCR uga mahadceliyay garab istaaga ay mar kasta la joogaa dowladda Soomaaliya gaar ahaan maamulkiisa.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo weli ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo kuwa Hay’addaha Qaramada Madoobay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor