Madaxweyne Ashraf Ghani oo ka cararay dalka Afghanistaan

Madaxweynihii dalka Afganistan Ashraf Qaani ee ay Kooxda Daalibaan maannta ku go’doomiyeen Kabul ayaa la sheegay inuu u baxsaday mid ka mid ah dalalka Xuduudka la leh Afganistan.

Ilo Diplomaasi iyo Warbaahinada Caalamiga ayaa sheegay inuu Ashraf Qaani ka degay Garoonka caasimada dalka Tajikistan ee Dushanbe.

Ma kala cadda inay Madaxda dalkaasi u fidiyeen Magangelyo Siyaasadeed iyo in kale.

Ashraf Qaani waxaa horey u sii raacay xubno ka tirsan qoyskiisa, Xukuumadiisa iyo inta badan La-Taliyaashiisa Khaaska ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor