Madaxweyne Axmed Madoobe oo farriin u diray Xildhibaano lagu doortay Kismaayo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Xildhibaano kamid noqday Golaha Shacabka oo shalay lagu doortay Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyey Xildhibaanadan oo lix ahaa kuna soo baxay doorashadii ka dhacday Kismaayo, kuwaasi oo kamid noqonaya Golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Xildhibaanada cusub ee kulanka la qaatay kula dardaarmay inay ka shaqeeynta midnimada, ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga shaqeeyn lahaa samatabixinta dalka.

Maamulka Jubbaland ayaa shalay bilaabay doorashada Golaha Shacabka, waxaana Kismaayo lagu doortay Lix Xildhibaan, kuwaasi oo kala ah Hamse Cabdi Barre, Cabdirashiid Jire Qalin,  Xasan Cabdi Ismaaciil, Maxamed Cali Cumar, Maryan Aweeys Jaamac iyo Sahra Jaamac Cali.

Jubbaland ayaa noqday maamulkii saddexaad ee bilaabay doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, iyadoo oo horey u bilaabeen Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor