Madaxweyne aan weli xilka loo dhaarin oo afgembi ka badbaaday

Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Niger ayaa ku guuldareystay inay fashiliyaan isku day afgembi oo xilka looga tuuri rabay madaxweynaha dhawaan ku guuleystay doorashada ee Niger saacado ka hor inta aan xilka loo caleemo saarin halka la xiray ciidamadii ku lugta lahaa falalkaas, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeyso ilo wareedyo ka tirsan laamaha amniga.

Rasaas xooggan ayaa saaka laga maqlay agagaarka madaxtooyada Niger.

Balse ma jiro wax ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku saabsan isku dayga afgembi.

Niger waxaa sare u kacay weerarada ay fuliyaan maleeshiyaadka iyo sidoo kale xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay kadib markii lagu dhawaaqy Maxamed Bazoum in uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada bishii Febraayo.

Mahamane Ousmane oo ahaa madaxweynihii hore ee Niger oo ku guuldareystay doorashada ayaa diiday in uu aqbalo natiijada isla markaana wuxuu ku gacan seyray go’aan maxkamad ku taalla dalkaas ay ku ayidday guushii Maxamed Bazoum.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor