Madaxweynayaashii hore ee dalka oo war kasoo saaray Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ahna Musharax madaxweyne a Hassan Sheikh ayaa cambaareeyay weerarkii  maanta Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen dad shacab ah.

Xasan Sheikh ayaa sheegay in falkaasi uu aad kaga xun yahay sidoo kalena waxaa uu ilaahay uga baryay intii ku geeriyootay in uu naxariistiisa Janno siiyo kuwa dhaawaca ahna caafimaad degdeg ah siiyo.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii maanta lagu laayay muwaadiniin aan waxba galabsan. Waxaan  Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dhaawacyadana caafimaad degdeg ah siiyo. Midnimo & wadajir oo kaliya ayaan uga adkaan karnaa cadowga” ayuu yiri Xasan Sheikh oo qoraal soo saaray.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed ayaa dhankisa ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee manta ka dhacay Muqdisho, kaasi oo gaystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shariif ayaa Cambaareeyay weerarka, waxaana baaqay hay’adaha amniga in ay xoojiyaan ammaanka guud ee dalka, korna loo qaado tayaynta Ciidanka.

“Waxaan cambaaraynayaa qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, inta ku dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Waa qarax fuleynima ah oo muujinaya dhagarta cadowga, hey’adaha Amniga waxaan ugu baaqayaa in ay xoojiyaan xaqiijinta Amniga iyo la dagaalanka argagixisada, korna loo qaado feejignaanta ciidanka maadaama dalka ku jiro xilli doorasho cadowguna isku dayayaan in dhibaatooyin maleegaan” ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka.

 

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor