Madaxweynaha Soomaaliya oo War kasoo saaray guushii Joe Biden

Joe Biden oo ahaa Musharaxii Xisbiga Demoqoraadiga ayaa xalay si rasmi ah ugu guuleystay Doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka, isagoo noqday Madaxweynaha Cusub ee dalkaas, wuxuuna ka adkaaday Madaxweynihii hore ee Donald Trump.

Joe Biden ayaa codadka Ergada gobollada Maraykanka ee loo yaqaan Electoral Collage ka helay 290, halka Trump uu helay 214, balse Biden ayaa u baahnaa 270-cod oo kali ah.

Madaxweyneyaasha Dalalka Caalamka ayaa Joe Biden ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray Doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka, isagoona ka guuleystay Madaxweynihii waqtigiisu dhammaaday ee Donald Trump.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka  ayuu Hamblayo iyo boggaadin ugu diray Madaxweyne Joe Biden.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay inuu Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Joe Biden uu ka rajeynayo inuu wadashaqeyn dhow la yeesho dowladda Federaalka, isagoona ugu hambalyeeyay guushii uu gaaray.

Si kastaba Codadka ay dhiibteen shacabka Maraykanka ayuu Joe Biden oo 78-jir ah ka helay in ka badan 74.8-milyan oo cod, halka Trump oo xisbiga Jamhuuriga ah uu helay ilaa 70.5-milyan oo Cod.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media