Madaxweynaha  Somaliland   oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Xisbiga ANC

Madaxweynaha  Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika.

Waxaana Wafdigaasi hoggaaminayay Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

Waxaana madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media