Madaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay dalka Jabuuti iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Cigaal International ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulkaas.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdigiisa oo kamid yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa ay ku wajahan yihiin dalka Jabuuti ee Caasimadda dalkaas, iyagoona halkaas tegi doona sida uu qorshahu yahay saacad kadib,.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland uu Casuumad ka helay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana uu la qaadan doono kulan looga hadli doona Arrimo kala duwan.

Labada Mas’uul ayaa sida la sheegay ka wada hadi doona qodono qorsheysan oo ku aadan Somaliland iyo Jabuuti, waxaana sidoo kale Muuse Biixi uu kulan kale qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti.

Madaxweyne Muuse ayaa dhawaan socdaal ku tegay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, isagoona halkaas kulamo kula qaatay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyagoona kala saxiixday heshiis Cusub.

Markii Madaxweynaha Somaliland kasoo laabtay safarkii Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay isaga oo la hadlaayay warbaahinta in xiriirkii dowladda Federaalka Soomaaliya u jartay Kenya uu fursad weyn u yahay Somaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media