Madaxweynaha Somaliland oo mas’uul cusub magacaabay

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/WM/222-942/092022, ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay:   Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:  In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:    La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In, Naasir Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Naasir Caydiid Maxamed Faarax ayaa waxaa uu horey u ahaa Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Dawladdaha Hoose ee Maamulka Somaliland, balse haatan ayaa waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor