Madaxweynaha Somaliland oo Hargeysa kulan kula qaatay Taliyaha Ciidamada AFRICOM

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa manta Magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Jeneral Stephen Townsend, Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), si wada-tashi looga sameeyo horumarinta danaha labada dhinac ee ammaanka Bariga Afrika.

Jeneral Townsend, oo ah sarkaalkii ugu sarreeyey Ciidamada Mareykanka ee soo booqda Somaliland ilaa iyo 1991-kii, waxa ku wehelinayey booqashadiisa Safiirka Mareykanka, Larry André, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Mareykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa uga mahadceliyey wafdiga safarka ay ku yimaadeen Hargeysa, waxaanu u sheegay inay soo dhawaynayaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee Somaliland iyo Mareykanka.

Intii uu socday kulanka labada dhinac ku dhex-maray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu xusay, “In booqashada Jeneral Stephen Townsend ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca adkaynta iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka

“Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland waxa ay qayb laxaad leh ka qaataan ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, taas oo ay faa’iido weyn ku qabaan dhammaan dalalka oo dhan. Iskaaashi iyo wada-shaqayn intan ka xoogan, kana weyn oo dhex-marta Somaliland iyo Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu kor u qaadi karaa nabad-gelyada iyo ammaanka biyaha Badda, waxaanu caawinayaa ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Bariga Afrika” ayuu yiri Muuse Biixi.

Waxaana dhankooda si wada jira u soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Jeneral Townsend iyo Safiirka Maraykanka, Larry André, iyagoo sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dhinac.

Wafdiga ka socday Taliska AFRICOM ayaa booqasho ku tegay Dekedda Berbera iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Berbera, kuwaas oo labadoodaba dhawaan dhisme ahaan la ballaariiyey, lana casriyeeyey si kor loogu qaado tayada adeegga dhaqaalaha, arrimaha bini-aadannimada iyo baahiyaha amni ee Somaliland.