Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray Addis Ababa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka ka ambabaxay Magaalada Hargeysa ayaa galabta gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Biixi iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Addis Ababa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya oo ay kamid yihiin Wasiirka maaliyadda Axmed Shide iyo Wasiiru dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, Mr. Redwan Hussein.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, waxaana kulamo kala duwan uu la yeelan doonaa Mas’uuliyiinta qaar ee dalkaas.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo xubnaha wafdigiisa ee uu hoggaaminayo, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Mas’uuliyiin ugu sareeysa dowladda Federaalka Itoobiya, iyagoona ka wada arrinsan doona Arrimo dhowr ah oo ku aadan xiriirka labada dhinac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor