Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi la socda oo ka degay Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaaran uu hoggaaminayey oo hiirtii hore ee saaka ka ambabaxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si weyna ayaa loogu soo dhaweeyey Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

Muuse Biixi iyo wafdigiisa ayaa Jabuuti uga qeyb geli doona Shir Maanta u furmaya Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu shir Guddoomin doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Shirka oo furmi doona saacadaha soo socda ayaa waxaa weli la shaacin Ajendayaasha looga hadli doono, hayeeshee Shirkaas ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa wada-hadallo horey u dhexmaray labada dhinac.