Madaxweynaha Somaliland Biixi oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Hargeysa uga hortegay Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dalkaas.

Ujeedka Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula qaadan lahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo martiqaad si rasmi ah uu ka helay, sidaasina uu halkaas ku tegay.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona muddo kooban, waxana muddada ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ahi halkaas joogaan lagu lafo-guri doonaa arrimo la xiriira xoojinta xiriirka Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweyne Muuse ayaa dhawaan socdaal ku tegay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, isagoona halkaas kulamo kula qaatay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyagoona kala saxiixday heshiis Cusub.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media