Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u diray guud ahaan Ummada islaamka gaar ahaan shacabka Somaliland, isagoo ugu hambalyeeyay curashada sannadka cusub ee Islaamka 1443-ka (Hijiriyada) oo berri ku beegan.
Sidoo kale Madaxweynuhu ayaa waxa uu Hambalyo taa la mida u diraya dalalka a iyo ummada muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadayey curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan berri oo Isniin ah.
“Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacabka Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaarsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo” ayuu yiri Muuse Biixi.
Ugu dambayna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaauu shacabka Islaamka u rajaynayaa in Sannadka cusubi ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda.