Madaxweynaha Somailand oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda Qaxoontiga Adduunka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiin sarsare oo ka socda hay’adda qaxoontiga adduunka ee loo soo gaabiyo (UNHCR) oo uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika u qaabilsan Amb. Maxamed Cabdi Affey oo ay wehelinayaan masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay wakiilka hay’adda u qaabilsan dalka  Soomaaliya, Magatte Guisse.

Waxaana kulankaasi  lagaga wada hadlay xoojinta xiriirkaka labada dhinac iyo arrimo la xidhiidha qaxoontiga ku sugan Somaliland oo ay xukuumaddu u cadaysay weftiga inay hayaan dad ku dhaw 14,000-kun oo qaxoonti ah kana yimi dalalka gobolka iyo dalal  ka baxsan mandaqada geeska.

Qodobada kulankaa lagu lafo-gurayna waxa ka mid ahaa xaalada guud ee qaxoontiga ku sugan gudaha Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo meelayn lahaa.

Samaynta xeryo qaxoonti oo lagu hayo dadka ay Somaliland u aqoonsan tahay inay yihiin qaxoonti.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay doorka ay hay’adda UNHCR ka qaadan karto yagleelida xeryaha qaxoontiga iyo saamaynta ay yeelankaraan xeryaha qaxoontigu marka loo eego mustaqbalka fog iyo habka ugu haboon ee  loo diyaarin karo ama loona hayn karo qoxoontigaa,  iyadoo lagu dabaqayo aqoon iyo waayo aragnimo.

Ugu danbayntii waxa la isla gartay in arrintan loo saaro guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac oo soo gorfeeya hannaanka ugu wanaagsan ee xal loogu heli karo qaxoontiga.

Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Kayd Maxamuud, Gudoomiyaha hay’ada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) iyo Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midooba Dr Maxamed Warsame Ducaale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor