Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo dib ugu laabtay Garoowe

Madaxweynaha Dowladd Goboledka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Muqdisho kaga qeybgalay Shirka Wadatashiga Qaranka, ayaa galabta dib uguso laabtay Garoowe EE Caasimadda Maamulkaasi.

Madaxweynaha waxaa Garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Airport kusoo dhoweeyay, Goleyaasha Dowlad Goboleedka, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe, Saraakiil Madaxtooyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda Garoowe.

Siciid Deni ayaa Muqdisho kaga qayb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, waxaana go’aanno looga gaaray arrimaha doorashooyinka ee Muranku ka taagnaa.

Sidoo kale ku laabashada Deni ee Garoowe ayaa imaanaysa, iyadoo Isimada Puntland ay go’aan culus kasoo saareen dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso,taasi oo lagu go’aamiyay in Taliyihii uu Deni Xilka ka qaaday loo dib loogu celiyo hoggaaminta Ciidanka PSF-ta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor