Madaxweynaha Puntland oo markii ugu horreysay ka hadlay Doorashadii Qoorqoor

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreeysay ka hadlay Doorashadii Galmudug ee bilowga sanadkan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee kusoo baxay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Madaxweyne Deni ayaa marka hore hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa bogaadiyey dadaalada dib u heshiisiinta ee Galmudug, wuxuuna amaanay midnimada maamulkaas, isagoo u mahad-celiyey Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf iyo Madaxweyne Qoor-Qoor oo markii ugu horreeyay tan iyo markii Doorashada Maanta kulmay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo heshiiska hordhaca ah ay gaareen dhinacyada isku haya Arrimaha Jubbaland ee Madaxweyne Axmed Madoobe, Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seerar.

Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayuu Madaxweyne Saciid Deni ugu baaqay in ay qeyb ka noqoto sidii heshiis waara oo dhan loo gaari lahaa.

Safarkiisii Muqdisho ayuu u sheegay in ay ogolaansho ka sugayaan Madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya, ka dibna uu tagayo Magaalada Muqdisho, si uu ula kulmo Madaxda dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media