Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiro cusub kuwo kalena xilalkii ka qaaday

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee December 29, 2021 kuna magacaabid Wasiiro, Wasiiru Dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Den ayaa waxaa Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland loogu magacaabay Axmed Yuusuf Qahar, halka Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland loo magacaabay Rashiid Maxamuud Yuusuf.

Wasiirada, Wasiiru dowleyaasha iyo Wasiir ku-xigeenada uu magacaabay Madaxweyaha Puntland ayaa bedelaya Wasiiradii xilalkaas haayay, waxaana Mas’uuliyiinta cusub la faray inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ee uu soo saaray Deni.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee December 29, 2021 kuna magacaabid Wasiiro, Wasiiru Dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda    shaqo.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland.

Markuu garawsaday:  Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday:  Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyay :

1- Waxaa Axmed Yuusuf Qahar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Puntland.

2- Waxaa Rashiid Maxamuud Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland.

3- Waxaa Khadar Faarax Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Puntland.

4- Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland.

5- Waxaa Cabdiraxmaan Cali Axmed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor