Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddi Cusub (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Magacaabay Guddiga Qaban-qaabada iyo diyaarinta xafladda xuska 01-Ogoosto oo ku beegan Aasaaskii Maamulka Puntland ee Soomaaliya 22-sano kadib.

Waxaa guddiga qabanqaabada iyo diyaarinta xafladda maalinta Asaaska Puntland loo magacaabay wasiirada iyo masuuliyiinta hoos ku qoran:-

1- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska iyo Isgaarsiinta Cabdullaahi Cali Xirsi (Guddoomiye)

2- Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Harumarinta Qoyska Aamina Cismaan X Jaamac (Xubin)

3- Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada

Maxamed Xasan Ciise (Xubin)

4- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada

Maxamed Cabdulqadir Cusmaan (Xubin)

5-Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalaynta Maxamed Musadaq Maxamed (Xubin)

6- Taliyaha Ciidanka Daraawiishta

Gen. Yaasiin Cumar Yuusuf (Xubin)

7- Taliyaha Ciidanka Booliska

Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)

8- Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada,

Cabdiweli Cali Cabdulle (Xubin)

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media