Madaxweynaha Puntland oo Maanta xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.28 September 29, 2021 kuna saabsan xil kaqaadis Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqooyinka baaxadda leh ee horyaala Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1- Waxaa Cabdulqaadir Cali Xirsi laga qaaday xilka Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

2- Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

Xilka qaadis uu Madaxweyne Deni ku sameeyay Guddoomiyiihii Hay’adda Waddooyinka Puntland ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa, iyada oo maalmo kahor Qoraal kasoo baxay Hay’addaas lagu sheegay in korontadii ku jirtay Xarunta hay’adda lacag la’aan looga jartay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor