Madaxweynaha Puntland oo Maanta u ambabaxay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhaweyd ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka.

Madaxweyne Saciid Deni oo ay Garoonka diyaaradaha Garoowe kusii sagootiyeen Mas’uuliyiin isugu jiray Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland ayaa u ambabaxay Magaalada Abu Dubai ee Caasimadda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa marka hore ku haka doona Magaalada Addis Aabab ee Caasimadda Itoobiya, isla markaana waxaa uu halkaas kulan kula qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka mid ah Itoobiya iyo Ganacsato, isagoo kadib u duulaya Imaaraadka.

Madaxtooyada Puntland ayaan faah faahin socdaalka Madaxweyne Deni ee Imaaraadka Carabta, hayeeshee warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeedka uu yahay mid la xiriiro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo Arrimo kale oo qorsheysan.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey safaro kala duwan ugu tegay Magaalada Abu Dubai ee Caasimadda Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, wuxuuna halkaas kulamo kula qaatay xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Madax kale oo ay ku jiraan Ganacsato

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor