Madaxweynaha Puntland oo Maanta Shirweyne ka daah-furay Garoowe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Daah-furay shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu bogaadiyay shaqada socota iyo qorshaha horumarinta ee degan, wuxuuna muujiyay sida ay Puntland uga go’antahay in horumar laga gaaro Waxbarashada oo ka mid ah adeegyada Bulsho ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa goobjoog ka noqday warbixinta Wasaaradda Waxbarashada soo bandhigtay oo ku dhisan shaqada la qabtay, mida socota iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee horumarinta Waxbarashada Puntland.

Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo ka hadlaayay Shirweynaha ayaa sheegay in deegaanada Puntland ay ku yaallan 1,091 xarumo waxbarasho oo kala duwan oo ay ku jiraan 14 jaamacadood, wuxuuna xusay ina Xarumahaas ay wax ka bartaan 273,729 oo Arday.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Goleyaasha Puntland, Masuuliyiinta Waxbarashada heerarkooda kala duwan, Ganacsato , Aqoonyahano, Waalidiin, Ardey iyo ururada Bulshada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor