Madaxweynaha Puntland oo Maanta furay Shirweyne Baaqna u diray Dhallinyarada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Dhallinyarada Puntland oo labo maalmood ka soconaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay Shirwayanaha Dhallinyarada Puntland, oo ah fursad dhallinyaradu arrimahooda gaarka ah ku gorfeynayaan, wuxuuna u rajeeyay in uu noqdo mid ay wax wanaagsan kasoo baxaan.

“Puntland oo ka duulaysa siyaasadda Madaxweynaha ee fursadsiinta Dhallinyarada Puntland ee uu hore u ballan qaaday, waxaa Maamulka hirgeliyay nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland oo dhallinyarada siinaya fursad-siyaasadeed oo aysan hore u haysan,  oo 69% Dhallinyaro tahay , Sanduuqa horumarinta Dhallinyarada Puntland oo la sameeyay iyo  sidoo kale horumarinta Ciyaaraha iyo Garoomada Kubadda cagta Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada Maamulka.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhallinyarada Puntland ugu baaqay ka shaqeynta midnimada, nabadda iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoo Ku dhawaaqay halku dhigga cusub ee ah Midnimo iyo Nabad.

Kulanka waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, waxaana kala qeybgalay Goleyaasha, Ururada Bulshada, Dhallinyarada Puntland oo isaga yimi dhammaan Gobollada iyo marti Sharaf kale .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor