Madaxweynaha Puntland oo Maanta dib ugu laabanaya Magaalada Garoowe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Arbaco lagu wadaa inuu dib ugu laabto Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa Muqdisho uga qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo maalmo kahor heshiiska looga gaaray doorashada dhaceysa, sidoo kalena wuxuu kulamo la qaatay Wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii ay taageero u siin lahaayeen doorashada dhaceysa, isagoo ka dalbaday dardar-gelinta howlaha ay ka hayaan Puntland.

Safarka Deni uu dib ugu laabanayo Magaalada Garoowe ayaa kusoo aaday, iyada oo i qaar kamid ah Isimada Puntland ay go’aamiyeen in Hay’adda PSF loo daayo Agaasimihii xilka laga qaaday ee Maxamuud Cismaan Diyaano si loo xalliyo Khilaafkii ka dhashay.

Puntland ayaan weli ka hadlay Go’aanka kasoo baxay Isimada oo ay kusoo jeediyeen in gogol dib u heshiisiin ay u dhigaan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Saraakiisha PSF iyo mas’uuliyiintii hoggaaminayay Ciidankii ku dagaalamay Magaalada Boosaaso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor