Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle.
Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda Cakiran ee dalka iyo caqabadaha weli ku hor gudban qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ka arrinsaday Shirka la filayo in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ku dhexmaro Teendhada Afisyooni, kaasi oo ay goobjoog ka noqonto Beesha Caalamka.
Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimada dalka ayaa waxaa uu Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uga mahadceliyay dadaalkiisa ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.
Musharax Jibriil Ibraahim ayaa horey kulamo ula qaatay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe, isagoo kala hadlay Arrimaha doorashooyinka.