Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay Safiirka Jabuuti

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho kula kulmay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Saciid Deni ioyo Danjire Aadan ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya marayo gaar ahaan arrimaha Doorashada ee khilaafka uu taagan yahay.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Puntland u sheegay in muhiim ay tahay in heshiis laga gaaro khilaafka ka jira qabsoomida doorashada dhaceysa, isla markaana wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, siyaasiyiin iyo Musharaxiin, isagoo kala hadlay doorashada iyo Arrimo kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor