Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Qardho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Guddiga sare ee Gurmadka daadadkii habeen hore ku rogmaday Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay saamaynta balaaran ee ay ku yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran.

Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada Qardho ee Gobolka Karkaar sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa khaasaraha ka dhashay si deg deg wax looga qabto.

Qardho ayaa daadadkii ku rogmaday ee ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay halkaas ayaa waxaa ku geeriyooday 6 Ruux, waxaana Maanta lasoo badbaadiyay dhammaan dadkii shacabka ahaa ee habeen hore ay qaadeen daadadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media