Madaxweynaha Puntland oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Ingiriiska

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa uu kulan gaar ah la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Kate Foster.

Kulankaan oo ka dhacay hotel ku dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen Arrimaha Puntland iyo horumarinta deegaanada Maamulka.

Inta uu socday kulanka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Kate Foster ayaa waxaa kaloo looga arrinsaday xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan marxalada lagu jiro iyo doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Kate Foster ayaa Madaxweynaha Puntland ku boggaadisa dadaalada uu ka qaatay geedi socodka hanaanka doorashada dhaceysa, sidoo kalena dalbaday inuu sii wado dadaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor