Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Qardho iyo ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in maanta uu gaaro degaanno ka tirsan Gobolka Bari ee maamulkaasi, halkaasi oo hadda ay ka socoto soodhaweyn ballaaran oo loo sameynayo Madaxweynaha iyo wefdigiisa.

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa saacdaha soo aaddan gaaari doona sida la filayo Magaalada Qardho ee xarunta u ah Gobolka Karkaar.

Deni ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, waxaana u jeedka safarkiisu uu yahay in  halkaasi uu  tababar ugu soo xiro cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo bilihii la soo dhaafay uu halkaas tababar uga socday.

Wafdiga uu hoggaaminayo  Deni ayaa lagu wadaa in ay kulan la qaato Saraakiisha Ciidamada Punland ee Magaalada Qardho, Maamulka Magaalada iyo Odayaasha Dhaqanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor