Madaxweynaha Puntland oo kormeer ka sameeyay Qardho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kormeeray xarumaha uu ka socdo Gurmadka loo fidinayo dadkii ay fatahaadu saameysay.

Guddoomiyaha Guddiga sare gurmadka fatahaadda Qardho, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Dhabanacad iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa Madaxweynaha halkaasi kusoo dhoweeyay.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xarumaha lagu kala maareynayo raashinka gurmadka ah, goobaha kale ee shaqadu ka socoto iyo suuqa weyn ee Qardho halkaasi oo Madaxweynuhu ku lugeeyay si uu u arko howsha baaxada leh ee socota.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media